top of page

HEL CAAVIMO!

Boggagan waxay ku siin doonaanmacluumaad ku saabsan dagaalka rabshada ah iyo ka caawinta xaaladaha adag.

Haddii aad ku jirto dhib kedis ah, fadlan wax lambarka gurmadka guud 112

Mika on

Dagaalka guriga

 

Dagaalka guriga waxa uu tixraaca falalka

kaas oo xubin qoyska ah uu kuugu xad gudbo adiga 

miduun maskaxahaan ama jidh ahaan.

 

Tusaalooyinka xad gudubka guriga waxa ka mid ah

riixid dagaala ah, jiidis iyow ax ku dhufasho

iyo anshaxa jidhka ee ilmaha.

 

Ku xad gudubka waxaa ka mid ah

magac ugu yeedh cay ah,

Qaylo iyo hanjabaad.

waxay sidoo kale ku lug lahaan kartaa

qof ku xanibadaya oo ku maamulaya adiga.

Xad gudubka galmada

 

Xad gudubka galmada

tixraacda falalka galmada

lagugu sameeyo adiga

la’aanta oggolaanshahaaga.

 

Falalkan waxaa ka mid ah

Taabashada galmada iyo galmo

aanad oggolaan.

 

Falku waxa uu noqon karaa khalad iyo dembi,

xataa haddii aanay

kuu gaysan xanuun jidhka ah

ama waxa aad is qabta

Dagaalka la xidhiidha sharafta

Dagaalka sharafta la xidhiidha macnahiisu waa

inaad xayirantahay,

lagu cadaadiyay ama waxyeelo la gaadhsiiyo

sharafta qoyskaaaga. 

 

Haddii aan laguu oggolayn inaad go’aan ka gaadho saaxiibadaa,

ama wax kasta oo aad samayso in laga warhayo,

lagugu khasbayo inaad guursato

ama laguugu hanjabo dagaal,

Waxaa laga yaabaa inay dhib kaa soo gaadhayso

dagaalka la xidhiidha sharafta.

 

Xidhashada dharka aan loo arag inay habboon yihiin.

furiinka, ballanka ka horeeya guurka

ama ka qayb ahaanta nooca galmadoodu tirada yar tahay

waxay keeni kartaa dagaalka la xidhiidha sharafta.

Lähisuhdeväkivalta

DAGAALKA GURIGA

Ma si xun baa laguula dhaqmay?

Dagaalka guriga had iyo jeer ma fududa in la aqoonsado.

Kuwa soo socdaa waa tusaalooyinkeeda:

  • Lamaanahaagu waa uu ku canaantaa, ku caayaa ama kugu qayliyaa adiga.

  • Adiga iyo carruurtaadu waa la riixaa, timaha la jiidaa ama wax lagu dhuftaa.

  • Macluumaadka muhiimka ah ee ku khuseeya waa lagaa qariyaa adiga.

  • Lamaanahaagu dhaqaale ahaan ayuu adiga kuu maa mulaa,Oo laguuma oggola inaad isticmaasho lacagtaada ama dheefahaaga lacageed ee bulshada.

  • Laguuma oggola inaad gaadho go’aamadaada.

  • Waa lagu khiyaameeyay ama been aya alaguu sheegay.

  • Waa lagu daba galaa markaad  isfurtaan  ama kala tagtaan.

Haddii aad la kulanto mid ka mid ah dhibaatooyinka, caawimo hel!


Haddii shayna aanu weli dhicin. laakiin aad ka baqanayso inaad khatar ku jirto caawimo hel!

Fiidyowyada waa tusaaleyaalka sida dadka kale loo caawiyay xaalada la mid ah.

Xakamaynta dhaqanka iyo been sheegida gudaha qoyska

Lamaanaha Malee, Mika, waxa uu maamulay lacagta qoyska oo umuu oggolaan Malee inay ka tagto qoyska. Waxay leeyihiin ilma yar kaas oo Malee ay daryeeshay muddada maalmaha. Malee waxay doontay inay barato Finnisha oo ay samaysato saaxiibadeeda, laakiin Mika umuu oggolaan. Marka xaaladu ay ugu sii gudubtay muran, Mika wuu ku qaylin, waxbuu ku dhufan iyada oo waxa uu ugu hanjabi furitaan. Waxa u sheegtay in furitaanku uu uga dhignaan lahaa inay Malee waayi lahayd sharcigeeda deganaanshaha iyo haynta ilmaha. Malee waxay dareentay inay dabin gashay.

Waxay go’aan ku gaadheen inay la xidhiidhaan Perheväkivaltaklinikka.

Malee waxay awood u yeelatay inay ku sharaxdo xaaladeeda caawimada turjubaanka, kaas oo loo soo habeeyay. Waxay noqotay in Mika uu ka been sheegay waxyaaba badan oo la xidhiidha sharciga Finlaan oo sidoo kale waxa uu qaatay dheefaha lacagta bulshadda ay Malee xaqa u lahayd. Malee waxa loo sheegay in hooyadu weli ay xaq u leedahay haynta ilmaheeda ka dib furiinka oo ay codsan karto sharcigeeda degenaanshaha. Malee waxay dareentay nefis inay awood u yeelato inay la hadasho qof dhegaysta oo fahma. Waxay darfeentay sidii ay ku jirto riyo naxdin leh oo gaadhaysa sanado badan inay kama dambaystii dhammaanaysay.

Malee iyo ilmaheeda waxaa loo gudbiyay hoyga gaboodka. Hoy badbaado, joogta ah ayaa iyaga loo helay. Mika iyo Malee way is fureen. Malee waxay heshay haynta ilmaheeda oo Mika waxa uu helay xuquuqaha booqashada sida la isla oggolaaday. Malee hadda waxay barataa Finnish oo waxay la qabsanaysaa nolosheeda cusub ee Finland.

Muran darran oo ka dhacay gudaha qoyska

Artur muu maamuli karayn dareenkiisa marka uu cadhoodo. Wuu dhufan, ku qaylin oo odhan waxtaabo xun. Lamaanahu waxay lahaayeen labba carruur ah, mid waa uu degenaa oo waxa uu ahaa fulay, marka ka kale ay dhib joogta ah ka qabsanaysay xaga dugsiga. labbadooduba inta badan way daalanaayeen. Ka dib hla muran oo gaar ah, Artur waxa uu socday tallaabo hore halkii ahayd dhufashada iyo wax ku dhufashada xaaskiisa Darya. Darya waxba kamay qaban karayn walbahaarkeeda maalinlaha ah in dheeraad ah.

Caawimay wada raadsadeen.

Waxay wada jir ballan uga qabsadeen Perheväkivaltaklinikka. labbadooduba waxay sharaxeen aragtiyahooda ku saabsan xaalada. Waxay dareemeen in shaqaalahu uu dhegaystay oo fahmay iyaga. Kullanka ka dib, waxay fahmeen in carruurtoodu ay dareemeen jawiga adag xaga guriga oo ay gaadheen. Labbadooduba waxay uga fekereen in khilaafkoodu aanay saamaynayn carruurtooda sababtoo ah carruurtu had iyo heer miduun xaga dugsiga ama hurdaan muddada muranada.

Si wada jira waxay uga hadleen nolosha Artur iyo sababaha ah sababta ay ugu adkayd isaga inuu naftiisa xakameeyo. Artur waxa uu gartay inuu sameeyay si la mid ah sida aabbahii uu u dhaqmay marka uu ilmaha yar ahaa. Waxa uu nefis ku dareemay inaanay cidina uga fekerin qof xun. Artur waxa uu u diyaar ahaa inuu ka qayb galo kooxda maaraynta cadhada.

Darya ka dib waxay u sheegtay shaqaalaha muddada kullanka in kooxda kullankooda ay caawisay, oo Artur hadda uu leeyahay maamul ka fiican cadhadiisa. Qoyska oo dhan wuu wanaagsanyahay hadda, iyo carruurtuna waxay awoodaan inay si wanaagsan u seexdaan habeenka.

Dhibaatooyinka maaraynta cadhada

Jawiga Oscar iyo guriga Anna waa uu adkaa muddo dheer. Oscar aad ayuu xaasid u ahaa oo degdeg u cadhoonayay. Muu jeclaysan markii Anna ay la hadasho rag kale. Marka uu Oscar noqday mid wareersan, waxbuu tuurayay oo waxa uu dhufanayey Anna. Inantooda Maria, waxay ahayd fulay oo way qarisay. Maria waxay ka baqanaysay in aabbaheed uu waxyeeleeyo hooyadeed. Xaaladu markii dambe way sii korodhay marka Oscar wax ku dhuftay Anna.

Anna waxay wacday booliska, kuwaas oo la xidhiidhay adeegyada daryeelka carruurta. Adeegyada daryeelka carruurtu waxay go’aan ku gaadheen in Oscar aanu wax ku dhufan Maria. Si kastaba ha ahaatee, waxay ka walaacsanaayeen in la iska ag jooga dagaal ay waxyeelo u yeelan doonto Maria.

Adeegyada daryeelka carruurtu waxay u gudbisay Oscar Perheväkivaltaklinikka.

Oscar waxa uu awooday inuu daacad uga ahaado xaalada shaqaalaha dhibta. Muddada falanqaynta, waxaa cadaatay in dhammaan xidhiidhada kalgacalka leh ay dhammaadeen iyaddoo ay sababtay xaasidnimo. Oscar waxa uu fahmay in dhaqankiisa dagaalka ay kicisay xaasidnimadiisa. Waxa uu bilaabay inuu ka fekero in laga yaabo xaasidnimadiisu aanay sababin dhaqanka Anna laakiin hubaal la’aantiisa iyo baqdinka ka tegida.

Oscar muu doonay inuu waayo qoyskiisa, markaas waxa uu go’aan ka gaadhay inuu ka qayb galo kooraska maaraynta cadhada. Kooraska, Osacar waxa uu bartay in la fahmo oo la maareeyo dhaqankiisa cadhada ah. Waxa uu bartay inuu nidaamiyo baqdinihiisa, taas oo fududaysay dareemada xaasidka ah.

Hadda way u fududahay Osacar inuu aamino Anna, oo jawiga guriguna wuu wanaagsanyahay, Oscar weli wuu cadhoodaa wakhtiyada qaarkood, laakiin hadda waxa uu awoodaa inuu naftiisa dejiyo ka hor xaalada inta aanay sii kordhin. Maria ilmadeedu sidoo kale way yaraatay.

LV-yht

Hel caavimo:

Ka hel caawimo gudaha Tampere:

 

Perheväkivaltaklinikka waxay bixisaa falanqayn, hagitaan iyo kooxaha taageerada dhibanaha iyo dembiilayaasha dagaalka dhibta. Adeegyadu waa qarsoodi, bilaash oo waxay u furanyihiin dhammaan.
Waxaad raadin kartaa caawimo keliya ama si wada jir ah xubinta qoyska.

https://www.setlementtitampere.fi/pvk

Nasashada Finland:

 

The Federation of Mother and Child Homes and Shelters is a nationwide child welfare organization that helps children and families in difficult and insecure situations and prevents domestic violence.

https://ensijaturvakotienliitto.fi/en/

 

Lahden Jussi-työ offers help to men. 

https://ensijaturvakotienliitto.fi/lahdenensijaturvakoti/palvelut/perhevakivaltatyon-avopalvelut/jussi-tyo/

 

Womens Line helps every woman and girl suffering from abuse, threats or fear. 

https://www.naistenlinja.fi/en/

 

Maria Akatemia prevents violence by women and helps women to control their feelings of hate.

https://www.mariaakatemia.fi/in-english/

 

Monika-naiset provides services for immigrant women and their children who have been subjected to violence. Live chat in Finnish, Arabic and Russian.

https://monikanaiset.fi/en/

 

Victim Support Finland (RIKU) improves the position of victims of crime, their loved ones and witnesses of criminal cases.

https://www.riku.fi/en/home/

 

Miessakit Association of Helsinki offers help for men who suffer from violence or use violence themselves.

 https://www.miessakit.fi/en

Seksuaaliväkivalta

Xad gudubka galmadA

Ma si xun baa laguula dhaqmay?

Dagaalka galmadu had iyo jeer ma fududa in la aqoonsado.

Kuwa soo socdaa waa tusaalooyinkeeda:

  • Waxaad ka yar tahay 16 sano jir oo waxaa lagugu khasbay inaad galmo la samayso qof wayn.

  • Waxaa lagugu khasaby inaad galmo oggolaato wakhti kasta lamaanahaagu waxa uu doonayaa

  • Waxaa lagugu cadaadiyay samaynta falalka galmada aanad doonayn inaad samayso.

  • Qof ayaa siyaabo gaar ah adiga kuu taabto. oo aanad jeclayn

  • Qof ayaa sameeya talo soojeedin iyo dhibaatayn aan la doonayn dhankaaga. foolka foola ama onlayn.

  • Qof ayaa kugu dhaawaca adiga erayada galmada, fara ka hadalka ama sawirada.

  • Waa lagu kufsaday.

Haddii aad la kulanto mid ka mid ah dhibaatooyinka, caawimo hel!


Haddii shayna aanu weli dhicin. laakiin aad ka baqanayso inaad khatar ku jirto caawimo hel!

Fiidyowyada waa tusaaleyaalka sida dadka kale loo caawiyay xaalada la mid ah.

Lamaanaheedu waxa uu ka dalbaday galmo ku lid ah doonisteeda

Nadia lamaanaheedu had iyo jeer waxa uu dalbaday galmo marka uu isagu doonay. Markay Nadia waydiisay lamaanaheeda inuu joojiyo, muu dhegaysan. May karin inay maya tidhaahdo, sababtoo waxay dareentay in oggolaanshaha galmadu u waajibkeeda ahaa. Aad ayay ugu adkayd Nadia inay ka hadasho dareenkeeda. Inta badan waxay lahayd gariir oo waxay dareentay dawakhaad, oo in la taabto waxay dareentay wax xun.

Nadia waxay ka hadashay dhibaatada saaxiibkeed, kaas oo iyada ku dhiirigeliyay inay caawimo hesho.

Nadia waxay kala hadashay wax ku saabsan xaaladeeda shaqaalaha kiisa ee ka socda Välitä!. Aad ayay iyada ugu adkayd inay ka hadasho waxyaabaha la xidhiidha galmada. Si kastaba ha ahaatee, Nadia waxay dareentay wanaag marka ay heshay qof dhegaysta oo fahma iyadda. Nadia waxay dareentay nefis inay ogaato inay leedahay xaqa ay ku diido inay samayso galmo haddii ay doonto. Nadia waxay baratay inay aqoonsato astaamaha jidhkeeda. Muddadii booqashadeeda, waxay baratay qaababka dejinta nafteeda.

Nadia waxay ka heshay taageero iyo talo. Wada jir ahaan, iyada iyo shaqaalaha dhibta waxay ka fekereen qaabab loo xaliyo xaalada. Nadia waxay go’aan ku gaadhay inay si furan uga hadasho wax ku saabsan riyooyinka naxdinta leh iyo dareenka kale ee aan wanaagsanayn ee lamaanaheeda. Lamaanaheedu muu fahmn sida xun ee Nadia ay dhib u qabsanaysay. Waxa uu hadda u tixgeliyaa si wanaagsan rabitaanada Nadia. Way isku dhow yihiin hadda oo astaamahii Nadia way khafiifeen.

Galmo uu ku khasbay qof macaariif ah

Sofia waxaa lagu khasbay inay samayso galmo aanay doonayn. Dembiilahu waxa uu ahaa qaraabo ay ku marti qaaday gurigeeda. Sofia may rumaysan karayn waxa dhacay. Waxay dareentay inay wax kastaa ahaayeen riyo ama shay ku dhacay qof kale. Sofia waxay dareentay qajilaad. Waxay u malaysay in iyadda ay tahay qofka lagu canaananayo waxa dhacay sababtoo ah waxay ku marti qaatay dembiile gurigeeda.

Sofia waxay go’aamisay inay caawimo ka raadiso oo waxay ballan ka qabsatay shaqaalaha dhibta Välitä!

Awooday inay u sheegto shaqaalaha kiiska ee ku saabsan xaalada. Waxaa loo sheegay in shilku aanu khaladkeeda ahayn, oo ay ahayd kufsi. Sofia waxaa lagu wargeliyay xuquuqdeeda oo waxaa loo gudbiyay dhakhtar. Sofia may hubin haddii ay doonaysay inay ka warbixiso dembiga. Sababtoo ah tan, shaqaalaha Taageerada Dhibanaha Finland waxaa lagu marti qaaday inuu joogo kullanka labbaad si uu Sofia ugu sheego waxay la minco ahaan lahayd ka warbixinta dembiga iyo waxa uu yahay nooca taageerada ay heli karto.

Muddada kullmada, Sofia waxay fahantay inay caadi tahay kufsiga ka dib in qajilaad la dareemo, la is canaanto oo la iska ilaaliyo xusuusta xun. Sofia sidoo kale waxay ku celcelisay qaababka ku caawiyay ku celinta dareenkeeda amniga iyo maaraynta dareemadeeda xun.

Sofia hadda way soo wanaagsanaanaysaa. In kastoo ay xusuusato xusuusta kolba, waxay awoodaa inay nafteeda dejiso. Waxay garanaysaa waxa dhacay inaanu khaladkeeda ahayn oo ay ka gudbi karto. Sofia waxay leedahay riyooyin naxdlin leh oo dadka mar labbaad way aamin kartaa.

Xidhiidh ka dhexeeya 15 jir

Pazir, kaas oo ahaa 20, waxa uu la ballamayay inanta saaxiibadii ah ilaa , sanad badhkii. Waalidiinta inanta way ogaadeen wax ku saabsan xidhiidhkooda oo waxay soo xareeyeen warbixinta booliska sababtoo ah inantu waa 15 keliya. Inantu waxay u muuqatay inay ka waynayd waxay ahayd oo iyaddaa ahayd qofka bilaabay xidhiidhka. Pazir wuu wareeray oo fajacay. Isagu muu fahmin waxa lagu eedaynayo.

Macaariifta Pazir waxay ku booriyeen isaga inuu la xidhiidhoa shaqaalaha dhibta ee Välitä!

Pazir waxa uu ka samaystay ballan oo waxa uu usheegay shaqaalaha bulshadda wax ku saabsan xaaladiisa. Waxaa lagu wargeliyay in da’da oggolaanshaha gudaha Finland ay tahay 16. Tan macnaheedu waxa weeye in xidhiidhka galmada ee u dhexeeya qof wayn iyo qof ka yar da’da 16 inay tahay dembi sida uu dhigayo sharciga Finland, xataa haddii labbada kooxood ay oggolaadaan xidhiidhka. Pazir waxa uu helay jawaabta wax ka qabashada dhibaatada, macluumaadka ku saabsan xuquuqihiisa iyo talada nidaamka falka dembiga.

Pazir waxa uu go’aan ku gaadhay inuu ka tago inanta saaxiibadiis ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay go’aan ku gaadheen inay ka hadli doonaan xaaladooda marka inantu gaadho 16. Pazir waxa uu caawimo ka helay wax ka qabashada kiiska gudaha maxkamadda.

SV-yht

Hel caavimo:

Ka hel caawimo gudaha Tampere:

 

Välitä! waxay siisaa wax ka qabadka dhibaatada iyo kooxaha taageerada kooxaha ee dhibanaha iyo dembiilayaasha ee xad gudubka galmada siiba sida saaxiibadeed iyo qoyska. Adeegyadu waa qarsoodi, bilaash oo waxay u furanyihiin dhammaan.

https://www.seksuaalivakivalta.fi/

Nasashada Finland:

 

Monika-naiset provides services for immigrant women and their children who have been subjected to violence. Live chat in Finnish, Arabic and Russian.

https://monikanaiset.fi/en/

 

Victim Support Finland (RIKU) improves the position of victims of crime, their loved ones and witnesses of criminal cases.

https://www.riku.fi/en/home/


The Sexual Assault Support Center helps people over the age of 16 who have experienced sexual assault regardless of sex or gender. 

http://www.hus.fi/en/medical-care/hospitals/womens-hospital/outpatient-clinics/Pages/Seri-Support-Center.aspx

 

Tukinainen provides support and guidance for victims of sexual assaults and their families. 

https://www.tukinainen.fi/english/

 

Turun Koski-hanke tarjoaa keskusteluapua yli 16-vuotiaille seksuaalista väkivaltaa tai sen uhkaa kokeneille sekä uhrien läheisille.

http://www.mielenterveysseurat.fi/turku/koski-hanke/

Kunniaväkivalta

Dagaalka la xidhiidha sharafta

Ma si xun baa laguula dhaqmay?

Dagaalka sharafta la xidhiidha had iyo jeer ma fududa in la aqoonsado.

Kuwa soo socdaa waa tusaalooyinkeeda:

  • Laguuma oggola inaad go’aan ka gaadho inaad lebisato.

  • Waa laguu oggolyahay inaad u baxdo dibada gurigaaga si xor ah.

  • Laguuma oggola inaad isticmaasho lacagtaada.

  • Laguuma oggola inaad doorato cida aad la ballanto ama hadii kale wakhti aad la qaadato.

  • Waxa lagugu cadaadinayaa inaad guursato wax ku lid ah rabitaankaaga.

  • Waxaa lagugu cadaadinayaa inaad naftaada waxyeelayso ama qaraabadaada.

Haddii aad la kulanto mid ka mid ah dhibaatooyinka, caawimo hel!


Haddii shayna aanu weli dhicin. laakiin aad ka baqanayso inaad khatar ku jirto caawimo hel!

Fiidyowyada waa tusaaleyaalka sida dadka kale loo caawiyay xaalada la mid ah.

Ay ku cadaadiyeen qoysku inay guursato

Sara qoyskeedu waxay ku cadaadinayeen inay guursato. Ninka aad ayuu uga da waynaa iyada, oo weligood may kulmin. Sara way diiday, laakiin waalidkeed muu dhegaysan. Sara waxay leedahay wiil la saaxiib ah, laakiin kumay dhicin inay qoyskeeda wax ku saabsan isaga u sheegto. May garanayn wax la sameeyo.

Waxay go’aan ku gaadhay inay caawimo raadsato.

Waxay waxay shaqaadaaha DIDAR oo waxay qabsatay ballan bilaash ah. Sara waxay dareentay inaanay u sheegin magaceeda. Iyaddoo ku salaysan falanqaynta, waxay noqotay wax cad in Sara aanay cidna u sheegin wax ku saabsan xaaladeeda, ka sakow wiilka saaxiibkeeda. Sara waxay dalbatay inaan waalidkeed lala xidhiidhin, oo rabitaankan waa la tixgeliyay.

Sara iyo shaqaalaha DIDAR waxay go’aan ku wada gaadheen in isku day la sameeyo lagu xaliyo khilaafyada iyaddoo la wada hadlayo, maadaama Sara waalidkeed ay doonayaan waxa u fiican iyada. Sara waxa lagu dhiirigeliyay inay hesho qof lagu kal soonyahay gudaha qoyskeeda kaas oo ay ku dhici lahayd inay kala hadasho xaaladeeda. Sara waxay la hadashay adeerkeed, kaas oo fahmay werwerkeeda oo kala hadlay waalidkood wax ku saabsan iyaga.

Kullan ayaa laga soo jeediyay dhexda waalidka, Sara, adeerkeed iyo shaqaalaha DIDAR iyo adeegyada daryeelka ilmaha. Kullanka waa la qabtay oo qof kasta oo ku lug leh waxa uu ka hadlay aragtiyahooda.

Warka ku saabsan wiilka saaxiibka ah waxay waadlika ku noqotay amakaag laakiin waxay oggolaadeen inay dhegaystaan aragtiyahooda iyo rabitaanada. Waxay fahmeen in ku khasbida in loo guuriyo ay jebin karto xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya xubnaha qoyska. Sara waxay u diyaar ahayd inay heshiis la gaadho waalidkeeda waxa ku saabsan sharciyada aasaasiga ah ee ballamista. Kama dambaystii, waalidkeedu waxay go’aan ku gaadheen inay ka tagaan qorshayaashooda ee i yadda loogu guurinayo.

Ay ku cadaadiyeen qoysku inuu ciqaabo walaashii

Qoyska Anwar waxay u maleeyeen in walaashiisa ka yar, Idil, ay ‘sharaf riday’ qoyska iyaddoo la ballantay wiil Finnish ah. Qaraabada qoysku waxay isku dayeen inay ku cadaadiyaan in walaashii ‘cashar’ loo dhigo. Anwar ma doonay inuu waxyeeleeyo Idil.

Waxa uu go’aan ku gaadhay inuu caawimo raadsado.

Waxa uu la xidhiidhay DIDAR. Xaalada waa laga wada hadlay. Anwar iyo Idir waxaa loo gudbiyay hoyga gaboodka ilaa xaaladu ay degto. Maadaama Idil ay 17 sano jir keli tahay, adeegyada daryeelka carruurta ayaa sidoo kale lala xidhiidhay. Shaqaalaha bulshada waxay marti qaadeen waalidka si ay ugala hadlaan dhibaatada shaqaalaha DIDAR. Ugu horayn, Anwar iyo Idil waalidkeedu way cadhaysnaayeen oo waxay diideen inay hadlaan. Kama dambaystii, werwerka ay ka qabaan carruurtoodu wuu batay oo xoogaystay oo waxay beddeleen niyadoodii.

Xaaladu waa laga wada hadlay muddada dhowr kullan ah. Turjubaan ayaa loo habbeeyay qoyska sababtoo ah labbadooduba midna kuma hadal Finnish iyo Ingiriisi midna. Waxaa loo sheegay in Idil ay doontay inay guriga ku noqota ilaa inta ay badbaado u tahay halkaasi. In kastoo waalidkeedu aanu jeclayn xaalada, waxay barteen inay fahmaan Anwar iyo Idil si aad u wanaagsan.

Waalidku waxay la xidhiidheen qaraabada ku nool dibada Finlan kuwaas oo cadaadiyay Anwar. Waxay aqbaleen in Anwar uu ilaaliyo walaashiisa yar oo hubiyo in xidhiidheedu horumaro si waafaqsan sharciyada la isla aqbalay. Kama dambaystii, hanjabaada dagaalku way tagtay.

Hadda Anwar iyo Idil waa badbaado oo qoyska si wada jir ah ay u wada joogaan mar labbaad. Adeegyada daryeelka ilmaha way sii socdaan in laga baadho qoyska laakiin keliya si loo hubiyo in shay kasta uu sax yahay.

Khilaafyada ku saabsan doorarka haweenka iyo raga xaga guriga

Ninka qaba Suna, Azzat, waxa uu sameeyay dhammaan go’aamada qoyska. Azzat waxa uu u maleeyay inay tani ahayd doorka ninka gudaha qoyska. Aad ayay inta badan uga doodeen, laakiin xaaladu ismay beddelin. Labbadooda lacagoodba waxay toos ugu dhacaysay akoonka Azzat; Suna keliya waxay heshay lacag yar oo ay isticmaasho. Intaa waxa dheer, Suna looma oggolayn inay ka baxdo gurigeeda iyaddoon oggolaanshaha ninkeeda haysan. Suna waxay doontay inay barato Ingiriisiga oo ay samaysato saaxiibadeeda. Marka mid ka mod ah carruurtoodu bilaabay inuu inuu gooyo dugisga, Suna si buuxda ayay u daashay.

Iyadda iyo Azzat caawimay wada raadsadeen.

Waxay ballan ka qabsadeen DIDAR, oo turjubaan ayaa loo habeeyay inuu joogo kullanka. Suna iyo Azzat labbada waxay heleen fursada ay kaga hadlaan siday dareemeen. Shaqaalaha DIDAR wuu dhegaystay oo waxa uu ka caawiyay inay is fahmaan.

Dhaqan rabshada leh sidoo kale waa laga wada hadlay. Labbadooduba waxay u maleeyeen in murankoodu aanu saamaynay carruurta sababtoo ah carururtu had iyo jeer miduun waxay joogeen dugsiga ama way seexdeen muddada muranka. Si kastaba ha ahaatee, carruurtu way maqleen oo way dareemeen muranka, taas oo ku keentay hurdo la’aan, walbahaar iyo dareemo xun. Lamaanaha ilmahooda u wayn waxa uu ahaa mid wax burburinaya oo wuu degenaa oo waxa uu ahaa fulay oo kumuu dhicin inuu saaxiibada guriga keeno.

Marka Suna iyo Azzat ay fahmeen in carruurtoodu ay dhibaato ka soo gaadhay xaalada, Azzat sidoo kale waxa uu go’aansaday in arrimahu ay u baahanyihiin isbeddel. Azzat waxa uu u diyaar ahaan inuu siiyo Suna masuuliyad badan iyo maamul si ay u gaadho go’aamo. Suna sidoo kale waxay ku biirtay kooras Finnish ah. Hadda dhif ayay ku dagaalamaan oo carruurtoodii way wanaagsanyihiin.

KV-yht

Hel caavimo:

Ka hel caawimo gudaha Tampere:

 

DIDAR waxay caawisaa dadku inay aqoonsadaan dhaqnada waxyeelada leh dhaqnkooda ku jira oo waxay ka hor tagtaa khilaafyada dhaqanada la xidhiidha DIDAR waxay bixisaa hawlaha luqaddo kala duwan ah iyo hagitaan xaaladaha ku lugta leh hanjabaada dagaalka sharfta la xidhiidha. Adeegyadu waa qarsoodi, bilaash oo waxay u furanyihiin dhammaan.

https://www.didar.fi/

Nasashada Finland:

 

SOPU waa mashruuc horumarineed bilow ah oo ay hirgelinayaan hay,adda Kalliola Nuoret ry 2012 – 2015, kaas oo ula-jeedadiisu tahay ka hor-tegidda khilaafaadka iyo xadgudubyada qoyska dhexdiisa iyo jaaliyadda ee salka ku haya aragtiyaha sharafta la xidhiidha.

https://soputila.fi/so/

 

The Finnish League of Human Rights prevents honour conflicts and human rights violations in Finland.

https://ihmisoikeusliitto.fi/english/honour-based-violence/

 

Victim Support Finland (RIKU) improves the position of victims of crime, their loved ones and witnesses of criminal cases.

https://www.riku.fi/en/home/

Linkiyada kale ee faa’iidada leh:

(As a victim or a witness in the trial)

Sidii dhibane ama markhaati gudaha maxkamadda jooga – Tilmaamaha la taaban karo

https://www.riku.fi/binary/file/-/id/120/fid/1891/

 

(criminal justice system for young victims of crime)

Hagaha nidaamka falka dembiyeed ee loogu talo galay dhibanayaasha da’da yar ee falka dembiyeed.

http://www.riku.fi/binary/file/-/id/103/fid/1400/

 

(Was it a hate crime?)

Ma ahayd fal dembiyeed nacayb ah?

https://www.riku.fi/binary/file/-/id/126/fid/1772/

 

(Rights of the victim)

Xuquuqaha dhibanaha falka dembiyeed 

https://oikeus.fi/material/attachments/oikeus/tietoarikoksenuhrinoikeuksista2017/QJg2CX7Fv/WARBIXIN_KU_SAABSAN_XUQUUQDA_UU_LEE_YAHAY_QOFKA_DENBIGA_LAGA_GALO_EE_DULMANAHA_AH.pdf

 

(If you become a victim of a crime)

Haddii aad noqoto dhibanaha falka dembiyeed

 https://oikeus.fi/so/index/prochures/haddiidembilagaagalo.html

 

Infopankki waxa uu ku bixiyaa macluumaadka sharciyada Finnishka iyo bulshadda.

https://www.infopankki.fi/so/bogga-hore

 

Lastensuojelu.info waxa uu bixiyaa muuqaalka guud ee daryeelka carruurta joogta Finland.

https://www.lastensuojelu.info/so/

 

Information on human trafficking

http://www.humantrafficking.fi/in_english

 

Information on legal aid

https://oikeus.fi/en/index/esitteet/oikeusapu.html

 

Guide on restraining orders

https://oikeus.fi/en/index/esitteet/lahestymiskielto.html

 

Guide on the criminal process for victims of sexual crimes

https://www.riku.fi/binary/file/-/id/120/fid/1830

 

Turun Kriisikeskuksen Serene-hanke tukee pakolaistaustaisten ihmisten mielenterveyttä ja turvallisuuden tunnetta.

http://www.mielenterveysseurat.fi/turku/serene/

Hanke
Websaydka HaeApua.info  waxa soo saara Setlementti Tampere oo waxaa maalgeliya Wasaaradda Caddaalada. Ujeedada websaydka waa in la horumariyo ilaalinta sharciga dadka degan Finland laakiin leh fahaan xadidan oo luqadda Finnishka ah iyo sharciga.
Dadka lagu muujiyay websaydkan waa jilayaal iyo haween jilayaal ah. Xidhiidh lama laha kiisaska.
bottom of page